Maurizio Sarri Oo Dalbaday In Loo Keeno Xiddig Ka Ciyaara Halkan Boos Kadib Markii Uu Xiddigii Ka Ciyaaray Dhibaatooday

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa qirtay in xiddigii ku soo biiray chelsea suuqii xagaaga ee Jorginho uu dhibaatoonayo una sheegay maamulka Blues in uu u baahan yahay in loo keeno badalka Cesc Fabregas.

Goolal ka yimid Pedro iyo Willain ayaa Chelsea ka caawiyay guul ay ka gaadheen Newcastle iyaga oo 6 dhibcood oo cadaan ah ka horeeya kooxda Arsenal tartanka loogu jiro booska 4-aad ee kala saraynta ka hor kulanka ay booqan doonto Emirates todobaadka dambe.

Jorginho ayaa u muuqday mid qaab ciyaareed cajiib ah ku jira tan ilaa markii uu ku soo biiray Chelsea laakiin xiddiga ayaa jir ahaan u dhibaatooday kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga reer Italy ayay ku oriyeen taageerayaasha Blues kadib markii uu dhawr baas khalday waxana uu Sarri qirtay in uu u baahan yahay xoojin khadka dhexe ah kadib bixitaankii Fabregas.

“Sida aad arkayseen Jorginho wuu dhibaatooday laakiin ma haysan xiddig booskiisa ah”ayuu Sarri yidhi ciyaarta kadib xilli uu ku rajo weyn yahay in loo dhamaystiro saxiixyada xiddiga Leandro Paredes iyo Nicolo Barella.

“Ma garanayo wakhtiga la dhamaystiri doono, kooxdu way ogtahay in aan ciyaaryahan booskaas uga baahanahay, waxa ay ku xidhantahay go,aanka kooxda, anigu ma qaban karo wax intaas ka badan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here