Maurizio Sarri: Kadib Guuldaradii Leicester City, Iska ilow Horyaalkee Halkan Boos Ayaan Heli Karnaa Hadii Aan Nasiib Leenahay

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ka hadlay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League League todobaadkiisii 18-aad.

Chelsea ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Leicester City iyada oo waliba joogta garoonkeeda Stamford Brdige kulan ka tirsanaa toodbaadkii 18-aad.

Sarri oo la hadlaya BBC-da ayaa yidhi”Waxa aan si fiican u ciyaarnay 55-kii daqiiqo ee ugu horeeyay, ciyaarta ayaa gabi ahaan is badashay kadib markii goolka nalaga dhaliyay, maanan samayn fal celin sax ah si aan ciyaarta ugu soo laabano”.

“Waxa aan awoodnay in aanu soo bandhigno ciyaar fiican laakiin maanu awoodin sababta oo ah ma aanan ahayn qaar nasiib leh”.

Sarri oo ka hadlaya tartanka premier League ayaa yidhi”Suurtagal ma ahan in aanu gaadhno kooxaha Liverpool & Man City waxa aanu Nasiib Leenahay hadii aanu ku soo baxno kaalmaha ugu sareeya”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here