Maurizio Saari Oo Qirasho La Yaab Leh Sameeyay Kadib Markii Wax Laga Waydiiyay Saxiixiisa Cusub Ee Christian Pulisic

Tababaraha Kooxda chelsea ee Muarizio Sarri ayaa sameeyay qirasho la yaab leh kadib markii wax laga waydiiyay saxiixa cusub ee kooxda chelsea ee Christian Pulisic.

Maurizio Saari ayaa qirtay in uuna waxba ka ogayn in ay kooxda chelsea la saxiixanayso xiddiga Christian Pulisic.

Xiddiga khadka dhexe ee Borussia Dortmund ayaa lagu dhawaaqay heshiiskiisa chelsea shalay ka hor kulankii ay Blues bar-baraha 0/0 ah la gashay Southampton.

Pulisic ayaa heshiis amaah ah ku joogi doono kooxda Dortmund inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna ku soo biirin xagaaga.

Tababarihii hore ee Napoli ayaa wax laga waydiiyay fikirkiisa ku aadan xiddiga 20 jirka ah laakiin waxa uu qirtay in uuna ogayn in ay kooxdu ka shaqaynayso heshiiskiisa.

“Maan Ogayn, Waxba kama ogayn heshiiska Pulisic”ayuu yidhi.

“Kooxda ayaa fikirkayga iga waydiisay xiddiga bilo ka hor, fikirkayguna waxa uu ahaa mid fiican”.

“Waxa aan kaliya shalay ogaaday in la dhamaystiray heshiiska laakiin markii hore waxba kama ogayn”

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here