Matthijs de Ligt Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan.

Da,yarka aadka loo qiimeeyo ee daafaca uga ciyaara kooxda Ajax iyo xulka qaranka Holland ee Matthijs de Ligt ayaa lagu soo waramayaa in uu go,aansaday kooxda uu ku biirayo.

Barcelona ayaa lagu so waramayaa in ay Juventus u garaacday saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca dhexe ayaa xiiso waali ah ka helaya kooxaha ugu waaweyn yurub kadib qaab ciyaareed cajiib ah halka uu qaab ciyaareedkiisa ku sii xoojiyay kadib markii uu Real Madrid ka reebay champions League.

Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay xiiso u qabaan xiddiga da,yar ah si la mid ah Bayern Munich oo isha ku haysa xaalada xiddiga.

Laakiin sida laga soo xiganayo Calciomercato Daafaca ayaa go,aansaday in uu ku biiro kooxda Barcelona si uu saaxiibkii Frenkie de Jong ugula biiro Camp Nou.

Barcelona ayaa diyaar u ah in ay 65 milyan oo euro ka bixiso xiddiga si ay ugu xoojiso daafaca dhexe ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here