Mateo Kovacic Oo Ku Biiri Doona Koox Premier League Ah Hadii Ay Halkan Arin U Suurtagali Waydo

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee Mateo Kovacic ayaa doonaya in uu sii joogo kooxda chelsea wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Laakiin xiddiga reer Croatia ayaa ku biiri doona kooxaha premier League hadii ay chelsea si toos ah ula wareegi waydo sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Spain.

FIFA ayaa ganaax suuqa ah dusha ka saartay kooxda chelsea kuwaas oo aan wax saxiix ah samayn doonin 2-da suuq ee soo socda.

Dhanka kale Kovacic ayaa haatan amaah kula jooga kooxda chelsea inta ka dhiman xilli ciyaareedkan laakiin ma kala cada in ay si toos ah ula wareegi doonto xagaaga.

Sida laga soo xigtay wargayska MARCA xiddiga reer Croatia ayaa doonaya in uu sii joogo Chelsea maadama uu fursad ciyaaris ka helay.

Laakiin wararka ayaa sidoo kale sheegaya in uu xiiso ka helayo koox badan oo premier League ah waliba diyaar u yahay in uu sii joogo premier League wixii ka dambeeya xilli ciyaareedkan.

Wakiilada Kovacic ayaa sugaya in ay kooxda chelsea racfaan ka qaadato ganaaxa suuqa kala iibsiga laga saaray maadama uu dookha 1-aad ee xiddigu yahay in uu sii joogo Stamford Bridge.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here