Mata, De Ligt, Otamendi, Asensio, Firmino & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalin walba wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda Barcelona ayaa si lama filaan ah xiriir ula samaysay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Juan Mata xilli 31 jirka heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan (Goal).

Man City ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato daafaca reer Holland ee Matthijs de Ligt taas oo la macno ah in uu Nicolas Otamendi ku biiri karo kooxda Barcelona (Sun).

Kooxda Man United ayaa doonaysa in ay Agaasimeheeda ciyaaraha ka dhigato Agaasimaha kooxda Atletico Madrid ee Andrea Berta (Mirror).

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Roma ee Monchi ayaa si aad ah u doonaya in uu ku soo biiro kooxda Arsenal si uu ula midoobo Unia Emery oo uu kala shaqeeyay Sevilla (Mirror).

Kooxda Monaco ayaa ogolaatay in ay shaqada tababare dib ugu soo celiso tababare Leonardo Jardim si ay ugu badasho Thierry Henry 3 bilood kadib markii ay shaqada u dhiibeen (L’Equipe).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Christopher Nkunku kaas oo ay u aragto badalka Denis Suarez (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Denis Suarez ayaa diidan in uu ka quusto ku biiristiisa kooxda Arsenal inkasta oo ay Barcelona ka hor Taagantahay in uu ku biiro Gunners (Mail).

Kooxda Inter Milan ayaa si aad ah ugu dhaw saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Southampton ee Cedric Soares (Mail).

Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab lacag ah oo dhan 43 milyan oo euro iyo waliba xiddiga Marco Asensio ku dalbato xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool ee Roberto Firmino (Don Balon).

Kooxda Atletico Madrid ayaa mar kale isku dayi doonta in ay heshiis cusub ksa saxiixato daafaca bartilmaameedka u ah kooxda Inter Milan ee Diego Godin (AS).

Kooxda Juventus ayaa dhigeeda Arsenal u soo bandhigtay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara ee Medhi Benatia si ay iyaguna u helaan Aaron Ramsey bishan (Tuttosport).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here