Massimiliano Allegri Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Doonayo In Uu Tababare U Noqdo Man United

Tababaraha Kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka sheegaya in uu doonayo in uu tababare u noqdo kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Massimiliano Allegri ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu doonayo in uu tababare u noqdo Man United isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay Juventus.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay Allegri oo 51 jir ah uu doonayo in uu shaqada ka badalo Jose Mourinho oo shaqada laga caydhiiyay todobaadyadii hore.

Kadib markii jose Mourinho laga caydhiyay shaqada Halyeeyga kooxda ee Ole Gunner Solskaer ayaa loo magacaabay tababare ku meel gaadh ah xilli ay United Allegri ka dhigatay bartilmaameed.

Allegri oo arintaas ka hadlaya jimcihii ayaa yidhi”Wali waxa sanad iyo badh iiga hadhsan yahay heshiiskayga Juventus”, “Waxa aan ku faraxsanahay halkan waxana aan qabanaynaa arimo muhiim ah”.

“Haatan waxa aan ku jirnaa December waxana xilli ciyaareedka ka dhiman wakhti dheer kulamo badan ayaa noo hadhay kaliyana waxa aan diirada saarayaa kulamadaa”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here