MASIIBO: Man United Oo 10 Xiddig Oo Kooxda 1-aad Ah Waayi Doonta Kulanka PSG Ee Arbacada

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa Paris u qaadan doona koox kala daadsan marka uu Arbacada ka hor tagi doono kooxda PSG kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in uuna midna ka soo kabsan dhaawaca xiddigihii ka dhaawacnaa marka ay PSG la ciyaari doonaan Champions League.

United ayaa ahaan doonta la,aanta 9 xiddig oo kooxda 1-aad ah iyo waliba Paul Pogba oo ganaax ku seegi doona kulanka kadib kaadhkii casaa ee uu qaatay.

Nemanja Matic, Ander Herrera, Jesse Lingard, Juan Mata, Anthony Martial, Phil Jones, Matteo Darmian & Antonio Valencia ayaa dhamaantood dhaawacan halka uu Sanchez haatan ku biiray Liiskaas.

Marka loo eego dhaawaca xiddigaha Badan tababare Solskjaer ayaa ku rajo weynaa in uu dib ugu yeedho xiddiga Martail laakiin waxa uu sheegay in aanu khatar galin doonin xiddiga.

Markii la waydiiyay in ay xiddigaha dhaawaca uga maqan taam u noqon doonaan kulanka PSG ayuu yidhi” Maya Run ahaantii uma muuqato in ay dhici doonto, ma doonayo in aan khatar galiyo Martail sababta oo ah wali tababar lama qaadan kooxda.

Dhaawacyada ayaa si aad ah hoos ugu riday rajada Man United ee u soo bixitaanka wareega xiga ee tartanka marka loo eego in garoonkeeda looga badiyay 2/0 kulankii hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here