MASIIBO: Ka Hor Kulanka Man United, Barcelona Oo Ay Ku Bilowdeen Dhaawacyadu, Luis Suarez Ayuu Dhaawac Soo Gaadhay

Kooxda Barcelona ayaa ku raaxaystay guul cajiib ah kulankii ay Real Betis 4/1 ugu garaaceen garoonka Estadio Benito Villamarin laakiin waxa farxada ka dhex galay wal-wal laga qabo taam ahaanshaha Luis Suarez.

Xiddiga reer Uruguay ayaa u ciyaaray si cajiib ah sidoo kale isaga oo dhaliyay hal gool caawiyena ka noqday gool kale laakiin waxa daqiiqadihii ugu dambeeyay u muuqday mid dhaawacmay.

Xilli uu isku dayay in uu cadaadis saaro daafac Real Betis ah ayuu No.9-Ka Barcelona u muuqday mid dhaawac ka soo gaadhay Kuraanta taas oo keentay in uu seego daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Waxa si cad looga dareemayay wajigiisa in uu xanuun xoogan dareemayay waxana uu Valverde sheegay in ay kuraantu barartay.

Baadhitaan ayaa lagu samayn doonaa maanta inkasta oo uu fasaxa xulalku wakhti fiican ub yimid Si uu ugu soo kabsado wakhtiga fasaxa.

Dhaawacan ayaa imanaya todobaadyo ka hor kulanka Weyn ee ay Barcelona la ciyaari doonto kooxda Man United kulan ka tirsan 8 dhamaadka champions League

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here