Masiibo: 10 Xiddig Oo Dhaawac Uga Maqnaan Doona Man United Kulanka Crystal Palace

Kooxda Man United ayaa ku jirta wakhti adag oo dhanka dhaawacyada ah kadib kulankii Axadii ee ay bar-baraha la galeen kooxda Liverpool.

Red Devils ayaa marti u noqon doonta kooxda Mayalka Adag ee Crystal Palace kulan ka tirsan todobaadkii 28-aad ee horyaalka premier League.

Laakiin Man United ayaa waayi doonta 10 xiddig oo dhaawac ku seegi doona kulanka Crystal Palace sida uu xaqiijiyay tababare Ole Gunnaer Solskjaer.

9 Ka mid ah 10-ka xiddig ee dhaawaca kaga maqan kooxda ayaa ah kooxda 1-aad waliba ah xiddigo muhiim u ah tababare Solskjaer.

Liiska xiddigaha dhaawaca uga maqnaan doona kooxda Man United kulanka Crystal Palace ayaa ah mid dhirbaaxo ku ah kooxda Man United iyo tartanka ay ugu jirto Kaalinta 4-aad.

Xiddigaha Lingard, Martial, Marcus Rashfor, Antonio Valencia, Matteo Darmian, Phil Jones, Nemanja Matic, Ander Herrera, Juan Mata & Mason Greenwood ayaa dhamaantood dhaawac ku seegi doona kulanka Palace ee Arbacada.

Lingard, Marcus Rashfor, Ander Herrera & Juan Mata ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Man United bar-baraha la gashay Liverpool Axadii.

Xiddiga Martail ayaan isagu wali ka soo kabsan dhaawacii soo gaadhay kulankii PSG ee ay kooxda Man United guuldarada kala kulantay Old Trafford.

Nemanja Matic ayaa isagu ku dhaawacmay tababarkii Jimcihii ka hore kulankii Liverpool iyada oo ay u badan tahay in uu muddo garoomada ka maqnaado.

Antonio Valencia ayaa dhankiisa ku maqan dhaawac wakhti fog ah walina aan soo kabsan halka uu xiddiga Phil Jones ku seegi doono kulanka xanuun.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here