Martin Keown Oo Sameeyay Saadaashiisii Ugu Dambaysay Ee Kooxaha Seegi Doona Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe, Laba Kooxood Ayuu Sheegay

Halyeeyga Kooxda Man United ee Martin Keown ayaa saameeyay saadaalintiisii ugu dambayeeyay ee kooxaha ku dhamaysan doona 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier league xilli ciyaareedkan xilli lagu jiro todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka.

Khabiirka Sky Sport Martin Keown ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Chelsea iyo Man United seegi doonaan boosaska loogu soo boxo tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Tottenham ayaa dib ugu soo laabatay kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier league kadib guushii 4/0 ahayd ee ay ka gaadhay kooxda Huddersfield iyaga oo chelsea kala baxay booska.

Blues ayaa maanta kulan Adag Anfield kula ciyaari doonta kooxda Liverpool halka ay sidoo kale dhamaadka bishan u safri doonto Old Trafford si ay ula ciyaarto kooxda Man Inited.

Red Devils ayaa ku jirta kaalinta 5-aad kadib guushii dirqiga ahayd ee ay ka gaadhay kooxda West Ham laakiin waxa ay kulamo adag la ciyaari doontaa kooxaha Chelsea, Everton iyo Man City muddo 7 maalmood ah.

Martin Keown ayaana rumaysan in ay arintaas faa,iido u tahay kooxdiisii hore ee Arsenal oo uu filayo in ay ku dhamaysato kaalinta 4-aad ee kala saraynta premier League.

“Waxana u malaynayaa in ay Man United seegi doonto kaalmaha ugu sareeya”ayuu Martin Keown yidhi.

“Arsenal, waxa laga yaabaa in aad sugayso in aan sheego laakiin waxa aan eegay kulamadooda waxana aan u malaynayaa in aad aad ugu adag yihiin Man United”.

“Marka aad aragto kulamada Man United waxa ay la ciyaari doonaan Man City, waxan u malayn doonaa in ay bar-barayn doonaan, uma malaynayo in ay guul ka gaadhi karaan City”.

“Waxa ay heli doonaan 75 dhibcood iyaga oo la mid noqon doona Arsenal laakiin waxa ay kaga hoosayn doonaan farqiga goolasha”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here