Martial, Hudson-Odoi, Suarez, Marcelo, Coutinho & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalin walba wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda Sevilla ayaa doonaysa in ay Man United kala saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara ee Anthony Martial bishan hadii ay heshiis kala saxiixan waydo (Mail).

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo La furtay kooxda Brescia iyada oo ka doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo ee Sandro Tonali laakiin waxa ay tartan kala kulmaysaa kooxda Roma (Corriere dello Sport).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa iska diiday Liverpool isaga oo doonaya in uu ku biiro Bayern Munich xilli todobaadka dambe la soo afjari karo heshiiska (Bild).

Kooxda PSG ayaa chelsea ku garaacaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Zenit ee Leandro Paredes (Telegraph).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Denis Suarez ayaa u muuqda mid Barcelona joogi doona ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay bur-bureen wadahadaladii ay Arsenal ku doonaysay (ESPN).

Xiddiga daafaca uga ciyaara Real Madrid ee Marcelo ayaa dadka ku dhaw u sheegay in uu ku biiri doono juventus dhamaadka xilli ciyaareedkanm (Marca).

Kooxda Arsenal ayaa laga soo diiday dalab Amaah ah oo ay ka gudbisay daafaca kooxda Real Betis ee Aissa Mandi iyada oo loo sheegayy in ay bixiyaan 30 milyan oo euro (El Desmarque).

Kooxda Inter Milan ayaa kooxaha AC Milan, Liverpool & Man Utd kula biiray tartanka loogu jiro da,yarka kooxda PSV ee Steven Bergwijn (Corriere dello Sport).

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa sheegay in ay Barcelona sii haysan doonto xiddiga Philippe Coutinho Xagaaga wax kasta oo dhaca (Mundo Deportivo).

Kooxda Arsenal ayaa si lama filaan ah u doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Juan Mata xilli ay United dagaal u gali doonto sidii ay u haysan lahayd xiddiga (Mirror).

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea ee John Obi Mikel ayaa si Rasmi ah heshiiska xorta ah ugu biiray kooxda horyaarka heerka 2-aad ee Middlesbrough (Express).

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa sheegay in uu Alvaro Morata bil ka hor u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago chelsea (Football. London).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here