Marek Hamšík Oo Xaalka Ku Sii Murjiyay Napoli Ka Hor Kulanka Bologna

Qadka dhexe kooxda Napoli ee Marek Hamšík ayaa xaaladda ku sii murjiyay kooxdiisa ka dib markii la xaqiijiyay in kulanka soo socda ee horyaalka Italy uu seegayo .

Marek Hamšík ayaa arbacaddii dhaawac uga baxay kulankii Inter Milan ee wareegga 18-aad ee horyaalka Italy , waxaana laacibka laga heleelay bowdada .

Bogga Italy Football ayaa sheegaya in laacibkaas la xaqijiyay in uu seegayo kulanka Bologna sidaas oo ay tahay weli Napoli ma sheegin mudada uu garoomada ka maqnaanayo laacibkaas .

Kulanka Bologna ayaa ah kan ugu dambeeya Napoli ee sanadkaan ee ay ku baacsanayaan kooxda hogaanka haysa ee Juventus ,iydoo kulankoodii arbacada ee Inter ay ku guul dareysteen hal gool waxa ayna haatan Juve ka hooseeyaan 9 dhibic

Waxaa la xusayaaa in Napoli ay haatan ka sheeganayaan maqnaashaha daafacooda Kalidou Koulibaly kaasi oo kaarka cas ku qaatay kulankii inter waxa uuna sidaas ku seegayaa labada kullan ee soo socda .

Marek Hamšík oo 31 sano jir ah ayaa xilli ciyaareedkaan Napoli waxa uu saftay 12 kullan balse ma jirrin wax gool ah oo uu dhaliyay

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here