Marcus Rashford Oo Man United Ku Hogaamiyay Guul Dirqi Ah Oo Ay Ka Gaadhay Leicester City Xilli Red Devils Kaalinta 5-aad Kala Baxday Arsenal.

Kooxda Man United ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka dhacay King Power kana tirsanaa horyaalka premier League.

United ayaa gaadhay guusheedii 12-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan markii ugu horaysay tan ilaa 2012 markii uu kooxda Hogaaminayay Sir Alex Ferguson.

Kulaka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah oo ay ku sameeyeen fursado cajiib ah.

Man United ayaa fursadihii ay samaynaysay gool u badashay iyada oo daqiiqadii 9-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Leicester vs Manchester United LIVE score, line-ups and updates – Premier League

United ayaa sii waday dadaalka waxana ay samaysay fursado ay ku dhalin kareen goolal kale oo ay ciyaarta wakhti hore ku dilaan.

Dhanka kale Leicester City ayaa qaadaysay weeraro halis galiyay daafaca iyo goolka Man United kuna dhalin gaadheen goolka bar-baraha.

Goolhaye De Gea ayaa sameeyay badbaadino cajiib ah intii ay ciyaartu socotay waliba laga dhalin karay goolal.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaan wax gool ah la kala dhalin inkasta oo ay labada kooxoodba sameeyeen fursado la taaban karo.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United sidaas ku gaadhay guul ka caawisay in ay Arsenal kala wareego kaalinta 5-aad.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here