Marcelo Oo Ka Jawaabay Xaqiiqada Wararka La Xiriirinaya Kooxda Juventus.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Rela Madrid ee Marcelo ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka maalmihii ugu dambeeyay la xiriirinayay kooxda Juventus.

Tan ilaa Markii uu Cristiano Ronaldo oo ah saaxiib aad ugu dhaw Marcelo ku biiray Juventus waxa si joogto ah loola xiriirinayaa Marcelo.

Marcelo ayaa booskiisa joogtada ah ka waayay Real Madrid xilli ciyaareedkan kadib qaab ciyaareed aad u liita oo uu soo bandhigay.

Wargaysyada Italy ayaa sheegay in uu Marcelo haatanba heshiis la gaadhay kooxda Juventus si uu ugu biiro kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin Marcelo ayaa wararkaas kaga jawaabay fariin uu soo dhigay baraha bulshada isaga oo ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Juventus.

Marcelo ayaa bogiisa Instagram-ka ku soo qoray” Kan ayaa ah gurigaygii, isaga oo sii raaciyay sawir isaga oo tababarka ku jira”.

Talaabadan ayaa meesha ka saaraysa wararka Marcelo la xiriirinaya kooxda Juventus isaga oo haatan u dagaalami doona booskiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here