Manchester United Oo Zinedine Zidane U Ballan-qaaday £179 Milyan Oo Uu Chelsea Ku Weeraro

0

Manchester United ayaa raadinaysa tallaabo ay ku qanciso tababarihii hore ee Real Madrid, Zinedine Zidane oo ku jira liiska macallimiinta ay kooxdu raacdada ugu jirto inay si buuxda xagaaga ula wareegaan xilka tababarenimo ee sida ku-meelgaadhka ah loogu dhiibay Solskjaer kaddib caydhintii Mourinho.

Sida uu qoray wargeyska AS ee kasoo baxa dalka Spain, caddadkiisii maanta, Ilo wareedyo ka agdhow Zidane ayaa waxay xaqiijiyeen inuu ogolaaday inuu qabto shaqadan oo uu bisha June saxeexo heshiiska United, laakiin warbaahinta Ingiriiska ayaa waxay tilmaameen in Zidane lagu qanciyey in loo dhiibi doono lacag badan oo uu kusoo iibsan doono laacibiinta uu aaminsan yahay inay isbeddel ku samayn karaan naadiga, isla markaana ay guul ku gaadhi karto United.

Haddii Zidane ugu dambayn go’aansado inuu noqdo tababaraha kooxda ugu caansan, uguna qanisan dalka Ingiriiska, waxa uu laylin doonaa Alexis Sanchez, Paul Pogba iyo Romelu Lukaku oo kusii sugi doona Old Trafford, laakiin waxa uu kusoo kordhin doonaa laacibiin kale oo firfircooni geliya.

Sida uu qoray wargeyska Don Balon ee kasoo baxa dalka Spain, Zidane waxa uu ka bilaabo doonaa shaqadiisa iibka, xiddiga Chelsea ee Eden Hazard oo intii uu Real Madrid joogayba lala xidhiidhin jiray inuu doonayo.

Wargeysku waxa uu intaa ku daray in Zidane loo ballanqaaday lacag dhan £179million oo Gini oo uu Hazard oo kaliya ku bixiyo.

Si kastaba ha ahaatee, war kasta oo soo baxa illaa laga gaadhayo bisha June, waxa uu noqon doonaa mid aan xaqiiqo rasmi ah loo haynin oo laga soo xigtay ilo wareedyo aan rasmi ahayn, waxaana la ogaan doonaa in United ay Zidane magacaabayso iyo in kale marka uu xili ciyaareedku dhamaado, kaddibna waxa soo bixi doona xiddigaha ay dooneyso in safkeeda ay kusoo kordhiso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here