Manchester United oo qiimo hooseeya ku soo qaadan karta difaac ka soo haray Champions league

0

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay qiimo hooseeya ku soo qaadanayso suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan Kostas Manolas, kaddib markii kooxdiisa Roma ay ka soo hartay tartanka Champions League.

Man United ayaa suuqa ka baadi goobaysay difaac cusub oo qalbadda dhexe ah intii lagu guda jiray labadii suuq kala iibsi ee la soo dhaafay, Kalidou Koulibaly, Toby Alderweireld iyo Manolas ayaana ka mid ahaa difaacyada bartilmaameedka u ahaa Man Utd.

Koulibaly ayey u badan tahay inuu heshiiska lagula soo wareegayo uu noqdo lacag rikoorka adduunka, laakiin Alderweireld heshiiska qandaraaskiisa oo dhacaya ayaa ka dhigaya in qiimo jaban lagu helo, warsidaha Calciomercato ayaana warinaya in Manolas uu sidoo kale noqon karo mid qiimo jaban.

27-sano jirkaan Manolas ayaa isaga tagi kara kooxdiisa reer Talyaani oo ka soo hartay Koobka Horyaalladda Yurub, isla markaana ku dhammaysan karta xilli ciyaareedkan meel ka hooseysa afarta sare taasoo god ku ridaysa rajadooda inay xilli ciyaareedka soo socda dib ugu soo laabtaan Champions League.

Kostas Manolas ayaana heshiiskiisa kooxda Roma la burburin karaa taasoo la micno noqonaysa in lagu heli karo adduun dhan 36 milyan oo euro oo u dhiganta 30.8 milyan oo gini.

Roma ayaa haatan fadhisa kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Serie A, waxaana ay afar dhibcood ka dambeysaa kooxda AC Milan oo ku jirta kaalinta afaraad, waxaana ay kaliya labo dhibcood ka sarreeyaan Lazio oo kulan baaqi ah gacanta ku haysata taasoo haddii ay adkaato kulankaas kooxda ay ku xafiiltamaan caasimadda ka sare mari doonta,Roma ayaana markaas u dhici doonta kaalinta lixaad ee horyaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Manolas ayaa doonaya inuu ciyaaro Champions League xilli ciyaareedka soo socda, taas oo macnaheedu yahay in Man United ay u qalanto tartammada Yurub haddii ay doonayaan inay xiddiga heerka caalami ee dalka Greece ka soo ka xaystaan garoonka Stadio Olimpico.

Kooxaha Arsenal, Juventus iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale dib u soo celiyey xiisaha ay u qabaan daafacan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here