Manchester United Oo Kulan La Yeelatay Zinedine Zidane, Shaqsigii Miiska U Fadhiistay Iyo Suurtogalnimada Inuu Noqdo Tababaraha Red Devils Oo Sii Kordhaysa

0

Masuul ka socda Manchester United ayaa magaalada Dubai kulan kula yeeshay tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane oo ku jira liiska tababareyaasha sida rasmiga ah ula wareegi doona shaqadii uu banneeyey Jose Mourinho ee ku-meelgaadhka loogu dhiibay Ole Gunnar Solskjaer.

Zinedine Zidane oo iska casilay Real Madrid dhamaadka xili ciyaareedkii hore, ayaa marar badan lagu xidhiidhiyey inuu noqonayo tababaraha Manchester United oo intii aan la caydhinin Jose Mourinho ay warbaahinta qaarkood qoreen inuu jiro heshiis aan la gaacinin, laakiin haddana si ku-meelgaadh ah loogu dhiibay Solskjaer.

Shaqada ka bannaan Manchester United, ayaa waxa kale oo lala xidhiidhinayaa tababaraha Tottenham, Mauricio Pochettino oo uu Sir Alex Feguson ku taliyey in lagu qanciyo inuu xilka qabto, laakiin Red Devils waxay ogtahay inay adag tahay inay hesho maadaama oo uu koox la xafiiltamaysa macallin u yahay, taasina waxay waddada u xaadhaysaa Zidane oo aan wax shaqo ah qabanin illaa markii uu ka tegay Real Madrid.

Wakiilka kooxda Manchester United ee Mikael Silvester ayaa bartiisa bulshada ee Instagram kula wadaagay jamaahiirta Manchester United sawirrada kulan uu la yeeshay Zidane, hase yeeshee ma sheegin wax ay ka wada hadleen.

Silvester oo difaaca uga ciyaari jiray Manchester United, xulka qaranka France na ay u wada ciyaareen Zidane, ayaa waxa uu yahay safiirka naadiga, waxaana la rumaysan yahay inay ka wada hadleen arrimo ay ku jiraan sidii uu u qaban lahaa shaqada tababarenimo ee ka bannaan Manchester United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here