Manchester United oo guusheedii 4aad oo xiriir ah gaartay & Lukaku & Rashford oo furtay

Manchester United ayaa ciyaartay kulankeedii 21 aad ee todobaadyada horyaalka Premier league iyadoo ku dadaaleysay in markale ay sii adkeystaan wadada guulaha waxaana ay wajaheen kooxda New Castle oo kamid ah kooxaha sanadkan la dhibaatoonaya natiijo xumo isla markaana ayka carareysay in xili ciyaareedkan ay u laabtaan heerka 2aad.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay mid dagan oo aan fursado badneyn sababo ku aadan qaabka ay ku soo gashay kooxda new casle oo xirtay guud ahaan garoonka kadib markii ayku soo gashay shax difaaceed & ka faa’iideysiga control attack.

kala barkii qeybta hore ayaa wiilasha untied waxa ay sameeyeen fursado dhowr dhowr waxaa jirtay in Rashford uu dhowr jeer gudaha rigoorada ku helay furasado balse waxa uu ku fashilmay inuu ka miradhaliyo.

Markale ayaa waxaa jiray fursad soo martay Anton Martial balse kama faa’iideysan waxaana qeybtii hore kusoo gabagabowday 0-0.

Markii leysu soo laabtay waxaa halkeeda kasii socday ciyaarta waxaa bilaabatay qaab ciyaareed wiilasha united ay ku furfurayeen isla markaana ayku raadinayeen goolkii ugu horeeyey waxaana aad u adkaaday iney shaqaba soo taabtaan iyadoo badalo deg deg ah oo Solkear uu ku yimid goolki ugu horeeeyey ee ciyaarta kadib markii uu dhaliyey lukaku oo hal daqiiqo kaliya garoonka ku jiray.

Markale Manchester Untied ayaa shabaqa newcastle soo taabatay kadib markii kubad Control attack aheyd lala soo orday waxaana loo soo tuuray Lukaku isagoo usii baasay Sanchez oo u hibeeyey kubadda Rashford oo kubadda soo bilaabay sidaas ayeyna ciyaarta uga dhigtay Man utd 2-0.

Majirin wax isbadal ah oo ka dhacay intaa wixii ka dambeeyey waxaana sidaas United ay ku gaartay guusheedii 4aad oo xiriir ah iyadoo Manchester United rajadeeda ay soo wanaagsanaatay iney usoo baxdo Champions League oo ah 4ta kalain ee ugu horeeya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here