Manchester oo guul & bandhig qurux badan gaartay kulankii 2aad kadib Ceyrintii Jose

0

6dii maqribnimo waxaa si rasmi ah loo baasay kulanka Manchester United & Hundersfield oo kamid ah kulamada maanta Premier league, wiilasha Solkear ayaa ku dadaalayey sidii guulahooda ay usii wadan lahaayeen iyadoo ay xusid mudan tahay in kulankan uu ahaa kii ugu horeeyey ee Old Traford uu United ku hogaamTababaraha cusub ee Kooxda.

Bilowgii hore ee ciyaarta waxa ay aheyd mid aad uxiiso badan waxaana manchester ay kusoo gashay qaab ciyaareed cajiib ah , waxey bilaabeen inkubadu gadaal kasoo dhisaan iyagoo aad uga duwanaa waqtigii uu joogay macalin Mourinho , waxey heysteen maamulka kubadda iyadoo kubad qurux badan aysoo bandhigeen.

Kooxda Hundersfield ayaa sidoo kale ku ciyaareysay fursadaha weerarada deg dega taasoo ay jireen dhowr fursadood oo goolal ayku iman kareen.

Daqiiqadii 28 aad waxaa yimid goolkii ugu horeeyey ee Ciyaarta & kan 1aad ee Manchester waxaana udhaliyey Nemanja Matic Xidiga xulka qaranka ee Serbia, wixii intaasi kadambeeyey halkeeda ayey kasii socotay ciyaarta mana jirin wax isbadal ah sidaas ayeyna kusoo afmeentay qeybtii hore ee ciyaarta.

Markii leysu soo laabtay halkeeda ayey kasii socotay ciyaarta waxeyna aheyd mid aad uxiiso badan wiilasha Solkear ayaa waxaa lasoo saaray culeys ku aadan weerarka kuwaas oo inta badan ay ku abuurtay kooxda martida fursado kuwaas oo la dhihi karayey goolal ayey uqalmeen lkn waxey ku fashilmeen in goolka bar baraha helaan.

Waxey ciyaarta socotaba daqiiqadii 64 aad waxaa yimid goolkii labaad ee Manchester waxaana shabaqa soo taabtay Paul Pogba , wixii intaa kadambeeyey ciyaarta Manchester maxumeyn waxaana soo roonaadayey awooda qadka sababo ku aadan badalo dhowr ah , intaa kadib markale waxaa shabaqa soo taabtay Pogba kadib shuut xoogan oo goosha banaankeeda ah uu ka tuuray sidaasna 3-0 uga dhigay

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here