Manchester City vs. Liverpool: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Hogaamiyayaasha & Difaacdayaasha Premier League

Kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City ayaa marti galin doonta kooxda hogaanka u haysa horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

7 dhibcood ayaa u dhexeeya labada kooxood ka hor kulanka xiisaha leh ee ay isaga hor iman doonaan iyada oo Liverpool ka faa,iidaystay guuldarooyinkii soo gaadhay Man City.

Reds ayaa ah kooxda kaliya ee aan ilaa haatan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka premier League iyada oo badisay dhamaan 9-kii kulan ee ugu dambeeyay halka ay City guuldaro la kulantay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Ka hor kulankooda Khamiista wargayska Sports Mole Ayaa soo xushay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyaga oo ka soo xushay xiddigaha taamka ah ee ka qayb qaadan kara kulanka.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda Sports Mole xiddigaha ugu badan ku leh iyaga oo 6 xiddig ku leh halka Man City ku leedahay 5 xiddig.

Halkan Hoose Kaga Bogo Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood:

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here