Manchester City oo guul muhiim ah kagaartay Southampton una jeesaneysa kulanka adag ..

0

Naadiga Manchester City ayaa galabta ciyaartay kulan adag oo ay kaga hortageysay kooxda kubadda cagta Southampton, wiilasha Guardiola ayaa fiirsanayey iney wadada guulaha kusoo laabtaan kahor inta todobaadkan dhamaadkiisa aysan qaabilin Liverpool.

Bilowgii hore ee ciyaarta waxa ay aheyd mid aad uxiiso badneyd waxaa ay ku bilaabatay dar dar aad uxoogan iyadoona wiilasha Guardiola ay heleen fursado dhowr oo daqiiqadihii ugu horeeyey ay ku furi kareen goolasha islamarkaana hogaanka ku qaban kareen

intaa kadib City ayaa heysatay maamulka kubadda iyadoo si qurux badan umaamuleysay kubad si fiican leysugu soo dhuf dhuftay ayaa loo tuuray Starling waxaana uu ku tuuray goosha Southampton balse waa laga bad baadiyey fursadaasi.

Markale ayaa kubad kale oo si cajiib ah looga soo shaqeeyey ayaa loo tuuray Riyad Mehrez kaasoo lagaaray kubadda afka hore ee goosha markaas oo shuut xoogan ku tuuray balse waxey sigtay goosha oo geeskeeda ayey martay.

Qalad uu wiilka da’yarka ee Zchenko ayaa lagu ciqaabay kadib markii laga dafay kubad uu afka hore ee goosha city ku heystay waxaana city laga dhaliyey goolka bar baraha isagoo shabaqa ku hubsaday Pierre Hojbjerg sidaasna 1-1 ayey ku noqotay.

Wax kadib City ayaa dhalisay goolkeeda labaad kaas oo ahaa gool ay iska dhaliyeen Southampton kadib kubad uusoo laabay Sterling sidaas ayeyna 2-1 kunoqotay.

Mudo yar kadib waxaa halkeeda kasii socday ciyaar qiimo badan oo halkeeda aykasii waday City waxaana markale ay gaareen shabaqa kooxda ka horjeeday iyadoo kubad laad aheyd oo lasoo qaaday uu madaxa ku dhuftay Aguero sidaasna shabaqa ku gashay dhamaadkii qeybta hore daqiiqadii 45 aad sidaas ayaana lagu kala nastay.

Markii leysu soo laabtay waxaa halkeeda kasii socday ciyaartii weyneed ay city ay soo bandhigeysay iyadoo dar dar xoogan kusii waday ciyaarta waxey heysatay maamulka kubadda iyadoo dhan walba uga xoog badneyd marka laga tago kubadaha Control attack oo ay ku ciyaareysay Southampton , majirin wax isbadal ilaa dhamaad kii ciyaarta gaar ahaa daqiiqadii 85 aad oo calaamada casaanka loo taagay  Pierre Hojbjerg oo Southampton ka tirsanaa ahaana ninkii udhaliyey goolka kaliyga ee Southampton sidaas ayey city ku adkaatay 3-1 waxaana ay eeganeysaa kulanka khamiista ayla ciyaari doonto kooxda kubadda cagta ee Liverpool maalinimada khamiista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here