Man utd oo Soo laabasho cajiib ah sameysay balse waa lajoojiyey tareenkeedii guulaha

Naadiga Manchester ayaa caawa ciyaartay kulan adag oo kamid ah kulamada horyaalka Premier league waxaana ay marti soortay kooxda Burnly.

Kulanka ayaa kubilowday mid dar dar xoogan lahaa waxaana wiilasha macali Solkear ay ku dadaalayeen iney sameeyaan bandhiga goolka 1aad.

10 daqiiqadii ugu horeeyey kadib ciyaarta ayaa noqotay mid is fur furan, kubad si qurux badan ay usoo diyaariyeen wiilasha manchester waxaa gudaha rigoorada loogu baasay xidiga weerarka manchester ee Rashford balse si aan qurux badneyn ayuu umaareeyey kubadaasi banaanka ayeyna martay.

Wiilasha Burnly ayaa waxa ay ahaayeen mid ku ciyaarayey kubadaha control attack waxaana qeybti hore ay isku dayeen iney fursado dhowr ah abuuraan balse ma ay ku guuleysan iney shabaqa gaaraan , si lamid ah manchester oo kubad heysashada ku fiicneed ayaa waxa ay abuurtay fursado dhowr balse iyana nasiib umayeelan ineysan shabaqa soo laabtaan qeybtii horena 0-0 ayaa lagu kala tagay.

Qeybtii dambe markii leysu soo laabtay waxaa halkeeda kasii socday ciyaartii xiisaha laheyd ee Burnly & manchester waxaana ay aheyd aad uxiiso badneyd waxaana yimid goolkii ugu horeeyey ee ciyaarta & kii ugu horeeyey ee Burnly kadib markii ay ku ciqaabeen kubad ay United qaldeen oo shabaqooda soo ziyaartay Ashley Barnes.

Intaasi kadib Manchester United ayaa bilowday qaabkii ay isaga soo gudi laheyd waxa ay bilowday weeraro xoogan oo ay united ay balse markale ayaa shabaqeeda lasoo taabtay ciyaartana waxaa laga dhigay 2-0 oo burnly ay laheyd.

Balse United ayaa sameysay badalo cajiib ah waxaana halkaasi kabilowday weeraro xoogan waxaana mira dhalay isku dayadii wiilasha Untied kadib markii rigoore lagu galay Lingard Pogba gool ubadalay sidaasna kusoo nooleeyey rajadii Shayaadiinta gaduudan, balse markale ayey sheekada soo laabatay kadib markii daqiiqadii ugu dambey uu lindlof ukeenay goolka bar baraha waxaana sidaas ayku sameysay Remontada isla markaana ciyaarta 90 kii daqiiqo waxey kusoo idlaatay 2-2.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here