Man United Vs Kooxaha Reer Spain: Maxay Red Devils Samaysay Kulamadii Hore?

Taageerayaasha Kooxda Man United ayaa rajaynaya Natiijo kale oo lama filaan ah oo ay kooxdoodu ka gaadho Barcelona marka ay caawa isaga hor iman doonaan Old Trafford kulan ka tirsan 8 dhamaadka tartanka champions League.

Wareegii 16-ka ee tartanka champions League ayay Red Devils samaysay lama filaan kadib markii ay dhanka kale u rogeen natiijo 2/0 ah oo ay kala kulmeen PSG sidaasna ugu soo gudbeen wareega 8 dhamaadka.

Red Devils Vs Barcelona:

Natiijooyinkii hore ee Man United iyo Barcelona ayaa si cad u muujinaya in ay kooxda reer Catalonia ka gacan sarayso Man United laakiin Natiijooyinkaas ayaan ahayn qaar aad u weyn.

Man United ayaa la ciyaartay Barcelona 11 kulan waxana ay ka gaadhay 3 guulood halka ay Barcelona gaadhay 4 guulood halka ay sidoo kale ay bar-baro galeen 4 kulan oo kale.

Taariikha Man United ee Kooxaha reer Spain:

Man United ayaa kooxaha reer Spain la ciyaartay 54 kulan tartanka champions League waxa ay guul gaadhay 13 kulan waxa ay bar-baro la gashay 22 kulan halka ay 19 kulan guuldaro kala kulmeen.

Kooxda Man United ayaa kooxaha reer Spain ka dhalisay 64 gool halka iyaga laga dhaliyay 74 gool taas oo cadaynaysa in ay Man United ku dhibaatooto kooxaha reer Spain.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here