Man United Vs Barcelona: Taariikhda Kulamada Kooxaha Man United & Barcelona

Waxa maanta wada ciyaari doona kooxaha Man United iyo Barcelona kulan weyn oo si weyn loo sugayo kana tirsan lugta 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kulanka ayaa ka dhici doona garoonka Old Trafford ee ay leedahay Man United kulanka oo ah lugta ugu horaysa iyada oo lugta 2-aad lagu damabyn doono garoonka Barcelona ee Camp Nou.

Waxa aan sanadihii ugu dambeeyay la daawan kulan dhex mara kooxaha Man United iyo Barcelona marka laga hadlayo tartanka champions League laakiin labada kooxood ayaa kulamo champions League ah wada ciyaaray taariikhdooda.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa taariikhda kulamada kooxaha Man United iyo Barcelona ee tartamada oo dhan.

1.Kooxaha Man United iyo Barcelona ayaa wada kulmay 11 kulan oo Rasmi ah tan ilaa sanadkii 1984-kii, kooxda Red Devils ayaa gaadhay 3 guulood halka ay bar-baro galeen 4 kulan halka ay Barcelona guul gaadhay 4 kulan oo kale.

2.11-ka Kulan ee ay wada ciyaareen labada Kooxood ayaa laga dhaliyay 35 gool iyada oo kooxda Man United dhalisay 15 gool halka kooxda Barcelon dhalisay 20 gool.

3.Xiddigii hore ee kooxda Man United ee Mark Hughes ayaa ah gool dhaliyaha taariikhiga ah ee kulanka isaga oo dhaliyay 3 gool, waxa ku xiga xiddiga Ryan Robson kaas oo dhaliyay 2 gool isaga oo la mid ah xiddigaha Hristo Stoichkov iyo Rivaldo kuwaas oo Barcelona kulanka uga dhaliyay min 2 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here