Man United Vs Barcelona : 8 Sano Ka Dib , Labada Koox Ayaa Ku Kulmaya Champions-ka

Man United ayaa caawa marti gilineysa kooxda Barcelona oo ay wada ciyaarayaan lugta 1-aad ee wareegga 8-da Champion-ka , waxa uuna kulankaan imaanayaa 8 sano ka dib finalkii Champoin-ka ee ay labadaas koox isku arkeen .

Xogta Kulanka

  • Waa markii ugu horeysay ee ay labada koox ku kulmayaan Champion-ka tan iyo finalkii 2011-ka xilligaas oo ay Barcelona ku badisay 3/1 waxaana la joogay Webmley .
  • Man United waligood ma guul dareysan iyadoo garoonkeeda ku marti gilineysa Barcelona waliba la tartan yurub ah , waxa ay badiyeen laba eer , halka laba kalana ay galeen bar bar dhac , waana markii ugu horeysay ee ay Old Tarfford ku kulmayaan tan iyo lugtii labaad ee semi finalka Champion-ka ee xilli ciyaareedkii 2007/2008 , waxaana hal gool xilligaas ku badisay Man United .
  • United waa ay badiyeen laba ka mid ah 11 koodii kulan ee hore ee wareegga bug baxda Champion-ka , laba badis , sedex bar bar dhac iyo 6 guul darro ayay wataan halka ay ku fashilmeen in ay badiyeen labadii kulan ee quater finalkii 2013/2014-ta xilligaas oo ay Bayern Munich ka hor tageen waxaana xilligaas hogaaminayay tababare David Moyes .
  • United laba kullan oo garoonkeeda ah oo Champipn-ka ah ayaa laga badiyay xilli ciyaareedkaan waxaana garaacay Juventus iyo Munich balse sedex jeer oo isku xigta oo ay arintaas qabsata hal xilli ciyaareed gudaheed waxaa ugu dambeysay xilli ciyaareedkii 1996/1997-dii.
  • Barcelona waxa ay tahay markii 17-aad ee ay wareeggaan 8-da Champion-ka soo gaarayaan waxa ayna arintaas la qabaan Munich , waxa ayna Barca wareeggan imaanayaan 12 xili ciyaareed oo isku xiga .
  • Messi waxa uu kooxaha Ingiriiska ku leeyahay 22 gool oo Champion-ka ah ka dib 30 kullan oo uu ka hor tagay mana jiro ciyaartooy kale oo sidaas sameeyay .
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here