Man United Oo Wadahadalo La Furtay Bayern Munich, Daafac Bir Ah Ayay Ka Doonayaan.

0

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda difaacanaysa horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich oo ay ka doonayaan xiddig aad loo qiimeeyo oo ka ciyaara daafaca dhexe.

Wararka ka imanaya dalka Germany ayaa sheegaya in daafaca 43 milyan lagu qiimeeyo ee Niklas Sule uu noqday bartilmaameedka kooxda Man United ee ay doonayaan ina ay ku xoojiyaan daafaca dhexe.

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya daafac dhexe oo uu ku xoojiyo kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe kadib qaab ciyaareedka liita ee ay daafacyadiisa haatan soo bandhigeen.

Xiddigaha Toby Alderweireld, Harry Maguire & Kalidou Koulibaly ayaa sidoo kale diirada u saarayn kooxda Man United xilli ay doonayaan in ay dhisaan koox xilli ciyaareedka dambe la tartanta kooxaha Man City iyo Liverpool.

Wargayska Ka soo baxa Germany ee Sport1 ayaa haatan sheegaya in Man United ay wadahadalo la furtay kooxda Bayern Munich iyaga oo ka doonaya 23 jirka Sule oo ay 21 milyan kula soo wareegtay xagaagii 2017.

Daafaca dhexe ayaa kooxdiisa Bayern Munich u ciyaaray 43 kulan xilli ciyaareedkan kadib markii uu ciyaaray koobkii adduunka ee uu xulka qaranka Germany ka qayb galay.

Sule ayaa Badalay Jerome Boateng Kaas oo diirada u saarnaa Man United sanadkii hore laakiin waxa ay ku adkaan doontaa in ay helaan xiddiga marka loo eego in uu xiddigu muhiim ka yahay kooxda.

Waxa la fahamasan yahay in uu yaraan 43 milyan oo euro kaga filnaan doonto in ay United ku qanciso Bayern Munich hadii ay ogolaadaan in ay iibiyaan xiddiga da,yarka ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here