Man United Oo Tababare Ole Gunnar Solskjaer U Balan Qaaday Abaalmarin & Waxa Looga Baahan Yahay Oo La Ogaaday

0

Kooxda Man United ayaa tababareheeda Ole Gunnar Solskjaer ugu balan qaaday abaalmarin hadii uu kooxda ka caawiyo in ay u soo baxaan tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe kuna dhamaystaan 4-ta boos ee ugu sareeya premier league.

Man United ayaa shaqada ka caydhisay Jose Mourinho todobaadkii hore iyaga oo shaqada si ku meel gaadh ah ugu dhiibay tababaraha reer Norway ee Ole Gunnar Solskjaer.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa kulankiisii ugu horeeyay kooxda ku hogaamiyay guul weyn oo 5/1 ah kulan ka tirsanaa premier league todobaadkiisii 18-aad iyaga oo ka badiyay Cardiff City.

Man United ayaa ku jirta haatan kaalinta 6-aad iyada oo 8 dhibcood ka dambeeya kooxaha chelsea iyo Arsenal oo isku dhibco ah kuna kala jira kaalinta 4-aad

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay maamulka Man United tababare Ole Gunnar Solskjaer ugu balan qaadeen lacag dhan 6 milyan oo euro oo abaalmarin ah hadii uu kooxda ka caawiyo in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Man United ayaa Habeen dambe la ciyaari doonta kooxda Huddersfield kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee premier League kulan u muuqda mid u fudud Man United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here