Man United Oo Suuqa Dhigaysa Romelu Lukaku & Alexis Sanchez Si Ula Soo Saxiixdaan Xiddig Man City U Soo Ciyaaray

Wararka ka imanaya dalka England ayaa sheegaya in ay kooxda Man United isku diyaarinayso in ay iibiso laba xiddig oo kooxdeeda ah si ay ugu dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Xiddiga reer England ayaa wacdaro ka dhigaya kooxda Dortmund isaga oo hlkaas ku qaadanaya xilli ciyaareedkiisii 2-aad oo xiriir ah.

Jadon Sancho ayaa Dortmund kaga biiray kooxda Man City xagaagii 2017 isaga oo kaliya ugu biiray heshiis dhan 7 milyan oo euro.

Shabakada Fox Sport ayaa sheegaysa in ay Man United si aad ah u doonayso in ay Jadon Sancho dib ugu soo celiso horyaalka premier League xagaaga.

Kooxda Borussia Dortmund ayaan xiddiga da,yarka ah ku fasixi doonin wax ka yar 80 milyan oo euro marka la gaadho xagaaga.

Sidaas darteed kooxda Man United ayaa doonaysa in ay xagaaga iibiso xiddigaha Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez si ay lacag ugu helaan xiddiga.

Mustaqbalka labada xiddig ayuu shaki weyn ku jiraa kadib markii ay waayeen booskooda 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here