Man United Oo Si Qurux Badan Old Trafford Ugu Karbaashtay Bournemouth & Paul Pogba Oo Mar Kale Noqday Xiddiga Garoonka

Kooxda Man United ayaa si xarago leh oo la yaqaano uga badisay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier league.

Man United ayaa sidaas ku gaadhay guusheedii 3-aad oo xiriir ah horyaalka premier League intii uu hogaaminayay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Kulanka ayaa ku bilowday si cajiib ah oo ay kooxda Man United ku gacan sarayso waliba ku bilaabatay ciyaarta si xiiso leh oo ay qaadaysay weeraro ay ku doonayso goolal.

Red Devils oo ka raystay qaab difaaceedii Jose Mourinho ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay hogaanka u qabtaan kulanka dhaliyaana goolka 1-aad ee ciyaarta.

Daqiiqadii 2-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay hogaamiyohooda dib u dhashay kadib caydhintii Mourinho ee Paul Pogba Kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Man United ayaan halkaas ku joogsan laakiin waxa ay sii waday cadaadiskii iyo weerarkii aan kala joogsiga lahayn ee ay ku haysay kooxda Bournemouth oo garan la, meesha ay wax ka si yihiin iyo halka ay Waxaas oo dadaal ah Man United ka keentay.

Mar kale ayay United daqiiqadii 33-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu mar kale goolka u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Bournemouth ayaa madaxa kor u yara qaaday iyada oo heshay fursado yar oo goos-goos ah laakiin u badali waayay wax gool ah.

Man United ayaa daqiiqadii 45-aad sii dheeraysatay hogaanka iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0.

Kooxda Martida ahayd ee Bournemouth oo gabi ahaan ku dhex luntay Old Trafford ayaa gool dhalisay daqiiqadii 45-aad iyaga oo uu madax u dhaliyay xiddiga Nathan Ake isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta qaybteedii hore oo ay Man United Bournemouth si naxariis daro ah u gashay waliba ka dhalin kartay goolal intaas ka badan.

Qaybtii dambe ayay Man United sidii qaybtii hore ku bilaabatay si fiican iyaga oo ay ka go,anayd in ay sii dheeraystaan hogaanka ciyaarta waliba qaadayay weeraro waali ah.

Laakiin qaybtii dambe ayay Bournemouth u soo gashay sidii ay isaga ilaalin lahayd in ay Man United goolal badan ka dhaliso iyaga oo si fiican u difaacanayay.

Laakiin Paul Pogba oo xiddigii ciyaarta ahaa ayaa markan masuul ka noqday caawinta goolka 4-aad ee ciaarta isaga oo baas Qurux badan u dhiibay Romelu Lukaku kaas oo daqiiqado yar ka hor soo galay sidaasn aku dhaliyay goolkii 4-aad ee ciyaarta daqiiqadii 72-aad.

Farxada ayaan u buuxsamin Man United kadib markii daqiiqadii 79-aad kaadhka cas ee toos ah loo taagay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Eric Bailly kaas oo khalad ku galay xiddig Bournemouth ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay man United sidaas ku gaadhay guul weyn oo 4/1 ah sidaasna u sii waday qaab ciyaareedkeedii fiicnaa ee ka dambeeyay Jose Mourinho.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here