Man United Oo Si Gaar Ah Ula Socoto 3 Xiddig Oo Ka Ciyaara Daafaca Dhexe & Qorshaha Red Devils Ee Suuqa Xagaaga Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa isha ku haysa in ay u dhaqaaqdo 3 xiddig oo daafac ah kana ciyaara horyaalka Serie A-da Marka la gaadho xagaaga.

Daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa ah bartilmaameedka 1-aad ee Man United iyada oo kooxdu u haysa xiddig xiiso wakhti dheer ah.

Kalidou Koulibaly ayaa la rumaysan yahay in uu diyaar u yahay in uu ku soo biiro Old Trafford laakiin Napoli ayaa dalban doonta lacag ku dhaw 80 milyan oo euro.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay Man United si gaar ah isha ugu hayn doonto 2 xiddig oo kale kuwaas oo ka ciyaara horyaalka Italy.

Daafaca kooxda Inter Milan ee Milan Skriniar ayaa ah xiddiga kale ee diirada u saaran Man United wakhtigii ugu dambeeyay halka ay Red Devils la socoto xiddiga kooxda Sampdoria ee Joachim Andersen.

Gudoomiye ku xigeenka Man United ee Ed Woodward ayaa haatanba ka shaqaynaya qorshihiisa suuqa xagaaga inkasta oo ayna kooxdu wali lahayn tababare buuxa.

Daafac dhexe ayaa ah muhiimada ugu weyn ee kooxda Man United kaas oo ay ku fashilmeen in ay keenaan xagaagii hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here