Man United Oo Si Aad Ah Ugu Dhaw Saxiixeedii Ugu Horeeyay Ee January

0

Kooxda Man United ayaa si aad ah ugu dhaw saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa January sida ay sheegayaan wararku.

Man United ayaa ku dhaw saxixia xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Roma ee Kostas Manolas sida ay sheegayaan wararku.

Red Devils ayaa doonaysa in ay hesho xiddiga inta lagu jiro suuqa January iyada oo diyaar u ah 30 Milyan ee lagu bur-burin heshiiskiisa.

Kooxda Man United ayaa xagaagii oo dhan suuqa ugu jirtay laakiin ku fashilantay in ay xoojiso daafaca kadib markii ayna waxba la wareegin.

Man United ayaa haatan diirada saaraysa saxiixa xiddiga Kostas Manolas kaas oo ay doonayso in ay kala soo wareegto kooxda.

Xiddiga ayaa lala xiriirinayaa kooxo waaweyn oo reer yurub ah kuwaas oo kala ah PSG, Bayern Munich iyo Barcelona laakiin United ayaa haatan u muuqata qaar ku dhaw saxixiiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here