Man United Oo Sabtidii Hore Indha-Indheeyayaal U Dirtay Kulankii Ac Milan & Fiorentina, Maxay Tahay Sababtu

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay indha-indheeyayaal u direen kulankii Serie A-da ee Sabtidii dhexmaray kooxaha Ac Milan ee Fiorentina ee ay guusha 1/0 ah ku gaadhay kooxda Fiorentina.

Sababta ay Man United Indha Indheeyayaasha u direen ayaa ah in ay soo daawadaan qaab ciyaareedka xiddiga kooxda Ac Milan ee Davide Calabria kaas oo ay xiiso u qabto adeegiisa.

Man United ayaa ku jirta wakhti is badal ah kadib markii ay 9 maalmood ka hor shaqada ka caydhiyeen tababare Jose Mourinho.

Laakiin Gudoomiye ku xigeenka Ed Woodward iyo madaxda kale ee kooxda ayaa sii wadi doona qorshaynta suuqa kala iibsiga xilli ay sidoo kale wadi doonaan raadinta tababare Jose Mourinho.

Sida laga soo xigtay Tutto Mercato Web United ayaa indha-indheeyayaal u diray kulankii Ac Milan iyo Fiorentina ee sabtidii hore waxana ay si toos ah u daawanayeen xiddiga 22 jirka ah ee u ciyaara kooxda Ac Milan ee Calabria.

Calabria ayaa ka ciyaari kara boos walba oo khadka dhexe ah isaga oo waliba ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda uu tababare Gennaro Gattuso hogaamiyo.

Xiddiga ayaa sidoo kale ka ciyaari kara garbaha daafaca waxana uu bartilmaameed u noqday Man United si ay ugu dhaqaaqaan suuqa January ee bisha dambe.

United ayaa haatan haysata xiddigaha Diogo Dalot, Antonio Valencia, Ashley Young & Matteo Darmian oo ka ciyaari kara garbaha daafaca laakiin United ayaa doonaysa in ay iska fasaxdo xiddigaha Valencia iyo Darmain.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here