Man United Oo Ole Gunner Solskjaer U Sheegtay Halka Kulan Ee Ka Xiga Uu Noqdo Tababaraha Buuxa Ee Man United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si fiican uga soo baxay shaqadiisii ku meel gaadhka ahayd ee loo dhiibay bishii hore markaas oo uu shaqada ka badalay Jose Mourinho.

Maamulka Man United ayaa Ole Gunnar Solskjaer ka dhigi doona tababaraha buuxa ee kooxda hadii uu kooxda Man United ku hogaamiyo in ay ka badiso kooxda PSG wareega 16-ka champions League.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ayaa shaqo cajiib ah ka qabtay Old Trafford isaga oo kooxda ku hogaamiyay 8 guulood 9-kii kulan ee uu hogaaminayay kooxda.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhanka kale u rogay dareenkii kooxda isaga oo dib ugu soo celiyay tartanka loogu jiro kaalinta 4-aad ee horyaalka premier LEAGUE.

Tababaraha reer Norway ayaa markii ugu horaysay guul gaadhi waayay kulankii ay United bar-baraha 2/2 ah la gashay kooxda Burnley.

Waxa la aaminsan yahay in gudoomiye ku xigeenka kooxda Man United ee Ed Woodward uu wadahadalo la qaatay tababare Ole Todobaadkii hore.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa tababaraha ugu Hambalyeeyay shaqada fiican ee uu ilaa haatan ka qabtay kooxda Man United.

Ilo wareedyo ku dhaw Old Trafford ayaa sheegaya in uu Woodword muddo saacad ah la qaatay tababaraha isaga oo kala hadlay xaalada.

Gudoomiyaha ayaa tababaraha u sheegay in uu shaqada tababaranimo ee kooxda si buuxda ugu dhiibi doono hadii uu natiijo fiican ka soo hooyo kulanka PSG ee wareega 16-ka tartanka champions league.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here