Man United oo loo sheegay lacagaha ay bixinayso haddii ay doonayso inay la wareegto Ivan Rakitic

Kooxda kubadda cagta Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa awoodi doonta inay Ivan Rakitic kala soo saxiixato Barcelona haddii ay bixiyaan 43 milyan oo gini sida wararku ay sheegayaan.

Xiddiga khadka dhexe ee Croatia ayaa loo isticmaalay 42 ciyaarood kulammada Barca ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, waxaana xan lagu hayaa in Red Devils ay ku darsatay liiska xiddigaheeda sare ee bartilamaameedka u ah suuqa xagaaga.

Inkastoo Rakitic si joogto ah ugu ciyaaro Catalan, haddana waxa uu maanka ku hayaa inay garoonka Camp Nou ku soo wajahan yihiin Frenkie de Jong iyo xiddig kale oo khad dhexe ah oo cusub.

Sida ay warinayso jariiradda Mundo Deportivo, Barca ayaan ka qeyb qaadan doonin inay sii haysato 31-sano jirkaan, kaasoo sidoo kale lagu soo daray liiska macquulka ah ee ay doonayaa kooxaha Paris Saint-Germain iyo Inter Milan.

Rakitic ayaa kooxda Barcelona kaga soo biiray Sevilla sanadkii 2014-kii, waxaana uu kooxda u saftay in ka badan 250 kulan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here