Man United Oo Ka Shalaynaysa In Ay La Soo Saxiixdeen Alexis Sanchez, Sabab

Gudoomiye ku xigeenka kooxda Man United ee Ed Woodward ayaa qirtay in ay kooxda Man United ku khaldantahy in ay la soo saxiixatay xiddiga garabka uga ciyaara ee Alexis Sanchez sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka reer Chile ayaa ku soo biiray kooxda Man United suuqii January ee 2017 isaga oo kaga biriay kooxda Arsenal kadib heshiis isku badalasho ah oo uu ugu biiray kooxda.

Xiddiga ayaa ku fashilmay in uu ka soo boxo wixii laga filanayay isaga oo aan qaab ciyaareed fiican soo bandhigin ka hor inta uuna saaxiib la noqon dhaawacyo xiriir ah.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in Ed Woodward uu dareemayo in uu sameeyay khalad markii ay Man United la soo saxiixatay Alexis Sanchez gaar ahaan in uu xiddigu kooxda u dhaliyay kaliya 5 gool 42 kulan oo uu u ciyaaray.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Ed Woodward ku qanacsan yahay in ay Man United si weyn u khaldantay marka loo eego mushaharka uu xiddigu qaato iyo waliba qaab ciyareedkiisa.

Alexis Sanchez ayaa todobaadkii jeebka ku shubta lacag dhan 500 kun oo Gini kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2022 ah oo uu United ku sii joogi doono.

Kooxda Man United ayaa ku rajo weyn in ay iska iibiso xiddiga dhamadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa ay haatanba ogyihiin in ay adkaan doonto in loo helo koox diyaar u ah mushaharka uu qaato.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here