Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Goolhayaha Kooxda Juventus ee Wojciech Szczesny u calaamadsatay badalka David De Gea.

Red Devils ayaa isku diyaarinaysa nolol ka dambaysa Goolhaye De Gea oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Goolhayaha 31 jirka ah ayaa la filayaa in uu soo af jaro sanado badan oo uu joogay kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Calciomercatoweb, Tababare Erik Ten Hag ayaa maamulka Kooxdiisa u sheegay in loo keeno Goolhayaha xulka Poland ee Wojciech Szczesny.

Goolhaye Szczesny ayaa si fiican u garanaya premier League maadama uu u soo ciyaaray kooxda Arsenal isla markaas leeyahay Khibrad fiican oo jawiga England ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here