Man United Oo Isku Diyaarinaysa In Ay Baanka U jabiso Badalka Ander Herrera, Premier Legaue Ayuu Joogaa.

0

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay baanka u jabiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham ee Declan Rice marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan gaar ahaan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Independent auaa sheegaya in uu Ole Gunnar Solskjaer wax walba u samayn doono sidii uu xiddiha reer England u keeni lahaa garoonka Old Trafford suuqa xagaaga.

Rice ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku raaxaysanaya xilli ciyaareedkan isaga oo ka mid ah xiddigaha da,yarka ah ee sida xoogan ugu soo kacaya xulka qaranka England.

Xiddiga ayaa ka mid noqon doona xiddigaha ugu muhiimsan ee xulka qaranka England kulamada soo socda ee uu ciyaari doono ee uu ka mid yahay tartanta National League.

Haatan Man United ayaa ku rajo weyn in ay Rice ka dhigto xiddigeeda ugu qaalisan kooxda Man United si ay u keento kooxda dhamaadka xilli ciyaaeeedkan.

United ayaa doonaysa in ay da,yarkan ka dhigto badalka tooska ah ee xiddiga Ander Herrera kaas oo ku dhaw in uu si xor ah ugaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here