Man United Oo Iska Xaadirisay Wareegga 8-da Champion-ka , PSG Ayay 3/1 Ku Garaaceen Waxa Ayna Ku Soo Baxeen Xeer Ahaan

PSG iyo Man United ayaa nasiinada ku aaday natiijo 2/1 ah oo ay kooxda reer Ingiriis ku hogaamineysay ka dib qaladaad ka dhacay daafaca PSG , waxa uuna kulankaan ka tirsana lugta 2-aad ee wareegga 16-ka Champion-ka .

United ayaa goolka koowaad heshay daqiiqaddii 2-aad waxaana dhaliyay Lukaku ka dib qaladka dhanka daafaca ah oo ka dhacay PSG .

Inkastoo goolkaas looga naxsaday hadana kooxda reer France iyaga ayaa kubadda haystay waliba cadaadis saaray goosha United balse PSG kaliya waxaa ka maqnaa in maamulka kubadda u turjumaan goolal .

Di Maria ayaa kubadda si weyn dhisayay waxa ayna saaxibada Lukaku ka sheeganayeen in si sax ah ay kubadda isu gaarsiiyaan marka ay ka soo fogeeyaan gooshooda , waxaana goolka bar bar dhaca lagu helay daqiiqaddii 12-aad waxaana ka dhaliyay Juan Bernat .

Ka dib goolkaas , United waa la go`doomiyay waxaana dhowr fursad u diiday PSG goolhaye De Gea oo kubado halis ahaa bad baadiyanayay waxa ayna United ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ahaa .

PSG xilli ay ku jireen baadi goobka gool labaad ayaa iyaga lagu helay ka dib kubad dhexda ay ka dhiseen United ayay gaarsiiyeen aagga goosha PSG waxaana goosha ku laaday Rashford balse goolhayaha waa uu soo tufay waxaase ku celiyay oo ka faa`ideyatay walibana shabaqa dhigay mar kale Lukaku daqiiqaddii 30-aad , waxaana goolkaas ka muuqday qalad dhanka daafaca ah .

United waxaa qeybtaas hore dhaawaca looga saaray Eric Bailly iyadoo la soo giliyay Diogo Dalot, waxa ayna heerka kubad hayshashsda PSG ee qyebtaa sgaartay %67.

Qeybta labaad , labada koox isku dayo kala duwan ayay sameyneyayeen balse PSG ayaa ku sareysay weerarka waxaana daqiiqaddii 55-aad Offside ahaan looga diiday gool uu dhaliyay Di Maria oo cajiib ahaa .

Inkasto PSG isku dayayaeen abuurista fursado hadana heerka kubad haysashadooda waxa uu gaarayay %69 balse daafaca United ayaa ahaa mid foojignaa .

Kubadda PSG waa ay gaareysay goosha Man United balse daafaca ayaa bad baadinayay waxa ayna kooxda reer Ingiriis ku tiirsanayeen weerarada rogaal celiska ah , waxa ayna kooxda reer France ciyaarayeen kubad kalsooni leh .

United waxa ay ka bad baadayeen fursado gool xaqiiq ahaa , waxa ayna qeybihii dhamaadka dhisayeen kubadda waliba afka hore ayay u soo dhaqaaqayeen , waxa ayna heerka kubad haysashooda gaareysay %65.

Daqiiqadihii geerida waa is weerarayeen labada koox inkastoo PSG ku badneyd kubadda hadana United halis ayay ahaayeen waxa ayna heleen gool 3-aad kaasi oo yimid waqtigii dheeriga ciyaarta waxaana saxiixay Marcus Rashford iyadoo uu ahaa gool rigoore ah , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay 3/1 xilli isku darka goolasha labada kulan noqdeen 3/3 balse United ayaa ku soo baxday xeer ahaan maadaama sedex gool ay ku dhaliyeen garoonka PSG .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here