Man United Oo Horumar Ka Samaysay Wadahadaladii Ay Kula Jireen Marcus Rashford

0

Kooxda Man United ayaa horumar ka samaysay wadahadalada ay doonayso in ay heshiis cusub uga saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara ee Marcus Rashford.

Weeraryahanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu qalinka ku duugo heshiis kooxda ku sii hayn doona ilaa xagaaga 2025 kadib wadahadalo midho dhal noqday oo uu xiddigu kaga mid noqon karo xiddigaha ugu mushaharka badan Old Trafford.

Gudoomiye ku xigeenka kooxda Man United Ed Woodward ayaa ku kalsoon in uu heshiiska xiddiga ku dhawaaqi doono todobaadyada yar ee soo socda.

Rashford ayuu shaki weyn ku jiray mustaqbalkiisa Man United markii uu joogay tababare Jose Mourinho isaga oo raadinayay in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda.

Laakiin tan imaanshihihii Tababare Ole Gunnar Solskjaer xiddiga ayaa noqday xiddig joogto ugu ciyaara waliba 8 gool dhaliyay 15-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Waxa uu dhamaan ku bilowday shaxda 13 kulan marka laga reebo laba kulan oo la nasiyay oo FA Cup-ka ah.

Mid ka mid muhiimadaha gudoomiye ku xigeenka Man United ee Woodward ayaa ah in uu Solskjaer ka dhigo tababaraha kooxda kaas oo fursad siiyay xiddigaha da,yarka ah ee sida Rashford, Anthony Martial & Andreas Pereira.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here