Man United Oo Heshay Waddo Ay Kula Saxiixan Karto Adrien Rabiot , Barcelona, Liverpool Iyo Juve Ayay Ka Dulqaadayaan

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegaya in kooxda United ay si weyn u doonayaan in xagaagaan ay helaan farsamada laacibka ku jahwareersan PSG ee Adrien Rabiot .

Laacibkaas France ayaa qaab xor ah lagu heli karaa dhamaadka xili ciyaareedkaan xilligaas oo uu dhamaanayo hishiiska uu kula jiro kooxda ka dhisan Paris .

Adrien Rabiot ayaa haatan wax kulamo ah u safan muddo bil ah kooxdaas PSG ka dib markii u diiday in hishiis cusub u saxiixo kooxdaas.

Laacibakas oo warar kala duwan horay ula xariiriyeen Barcelona ayaa sidoo kale kooxaha isha ku haya waxaa ka mid ah , Man City , Chelsea , Liverpool , Tottenham , Bayern Munich iyo Juventus

Talk Sport ayaa sheegeysa in United ay si dhab ah qorshaha suuqa xagaaga ay haatan ugu darsadeen laacibkaas 23 sano jirka ah .

Shabakadda ayaa intaas ku dareysa in United ay diyaar la yihiin in Adrien Rabiot ay todobaadkii siiyaan mushaar gaaraya 200 milyan oo gini

Sidoo kale warka waxa uu intaas ku darayaa in United ay laacibka siinayaan lacag gunno ah oo gaareysa 10 milyan oo gini haddii uu u soo wareego qalcadda Old Tarraford.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here