Man United Oo Guul Ka Gaadhay Brighton & Tareenkii Red Devils Oo Wali La Joojin Laayahay

Kooxda Man United ayaa gaadhay guusheedii 6-aad oo xiriir ah tan ilaa markii kooxda Loo dhiibay Ole Gunners Solskjaer shaqadana ka badalay Jose Mourinho.

Man United ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore ah ka dhaliyaan kooxda Brighton.

Kooxda Brighton ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay doonayeen in ay United kaga dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 27-aad ayay ManUnited dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

United ayaa samaysay fursado fiican oo ay goolal kale ku dhalin kartay laakiin waxa u suurtagali wayday in ay goolal u badasho fursadihii ay heshay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii dambe ee ciyaarta oo ay Man United kulanka ku hogaaminayso 1/0 waliba dhalin kartay goolal kale.

Qaybtii dambe ayay United kulanka ku bilaabatay si fiican oo ay doonaysay kana go,anayd in ay ciyaarta wakhti hore disho ka hor inta ayna Brighton soo laaban.

Daqiiqadii 42-aad ayay Red Devils dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

United ayaan halkaas ku joogsan laakiin waxa ay sii waday fursadihii ay samaynaysay si ay ciyaarta uga dhaliso goolal kale.

Laakiin Brighton ayaa markan daqiqiadii 72-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Pascal Gross kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay United gaadhay guusheedii 6-aad oo xiriir ah premier League sidaasna ku sii wadato qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here