Man United Oo Go,aan Ka Gaadhay U Dhaqaaqista Philippe Coutinho

Kooxda Man United ayaa go,aan ka gaadhay wararka la xiriirinaya xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho haatana u ciyaara kooxda Barcelona.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay go,aansatay in ayna u dhaqaaqin saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Barcelona ee Philippe Coutinho sida ay sheegayaan wararku.

Philippe Coutinho ayaa lala xiriirinayaa Kooxda Man United bilihii ugu dambeeyay kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda Barcelona.

Xiddiga reer Brazil ayaa ku dhibaatoonaya kooxda Barcelona tan ilaa markii uu 142 milayn ugu biiray kooxda suuqii January ee sanadkii 2018.

Wargayska The Independent ayaa sheegaya in ayna Kooxda Man United u dhaqaaqi doonin saxiixa Xiddiga reer Brazil xagaaga iyo wakhti kaleba.

Gudoomiye ku xigeenk Man United ee Ed Woodward ayaa go,aansaday in uuna u dhaqaaqin xiddiga laakiin go,aansaday in uu u dhaqaaqo xiddiga Borussia Dortmund ee Jadon Sancho.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here