Man United Oo Go,aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Juan Mata Kaas Oo Xiiso Ka Helaya Kooxaha Ugu Waaweyn Yurub

Kooxda Man United ayaa go,aan kama dambays ah ka gaadhay mustaqbalka xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Jaun Mata kaas oo uu heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa Juan Mata u soo bandhigtay heshiis cusub oo 12 bilood ah si ay isugu daydo in ay ka hor istaagto in ay si xor ah uga tagto.

Xiddiga 30 jirka ah ee reer Spain ayuu heshiiskiisu dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu chelsea kaga soo biiray Suuqii Janaury ee 2014.

Mata oo United u saftay 208 gool waliba dhaliyay 44 gool ayaa todobaadkii qaata lacag dhan 140 kun oo Gini todobaadkii.

Halka sano ee heshiiska ah ayaa Juan Mata jeebka ugu shubi doonta lacag dhan 6.7 milyan euro xilli ay United ka hor tagayso in ay xor ku waydo xiddiga.

Tababaraha Ku meel gaadhka ah ee kooxda Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa dhawan sheegay in ay Maamulka kooxdu wadahadalo kula jiraan xiddiga ay heshiis cusub uga saxiixdaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here