Man United Oo Gabi Ahaan Isaga Hadhay Xiisaha Ivan Rakitic & Paul Pogba Oo Sabab U Ah

0

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga hadhay xiisihii ay u qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic kadib markii uu Paul Pogba ogolaaday in uu sii joogo kooxda.

Xiddiga Barcelona ayay Man United u doonaysay badalka Pogba kaas oo uu shaki ku jiray mustaqbalkiisa Old Trafford.

Laakiin 25 jirka ayaa door muhiim ah ka qaatay qaab ciyaareedka kooxda Man United tan ilaa markii uu Ole Gunnar Solskjaer tababaraha u noqday kooxda.

Pogba ayaa doonayay in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu ka baxay qorshaha Jose Mourinho bilowgii xilli ciyaareedka ka hor inta aan shaqada laga yadhin.

Laakiin xiddiga ugu qaalisan kooxda Man United ayaa wadahadalo xasaasi ah la qaatay tababarhaa kooxda Ole Gunnar Solskjaer todobaadkii hore isaga oo u balan qaaday in uu ka dhigi doona xiddiga ugu muhiimsan kooxda.

Taas ayaa keentay in ay kooxda Man United gabi ahaan isaga hadhay xiisihii ay u qabtay xiddiga Barcelona ee Rakitic oo 30 jir ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here