Man United Oo Diyaar U Ah In Ay Baanka U jabiso Neymar & Qorshaha Ay U Dagsatay Xagaaga Oo La Ogaaday

Wararka ka imanaya dalka England ayaa shaaca ka qaaday isku dayo kale oo ay kooxda Man United u samayn doonto sidii ay suuqa xagaaga ula soo saxiixan lahayd xiddiga kooxda PSG ee Neymar.

Neymar ayaa haatan ku maqan dhaawac ka soo gaadhay lugta midig kaas oo garoomada u diidi doona muddo 10 maalmood ah isaga oo seegi doona kulanka champions League ee ay PSG la ciyaari doonto Man United.

Wargayska Daily Record ayaa sheegaya in ay kooxda Man United isku diyaarinayso in ay lacag badan galiso sidii ay u keeni lahayd xiddiga reer Brazil horyaalka premier League.

Ilo wareedyo ku dhaw kooxda Man United ayaa shaaca ka qaaday rabitaanka masuuliyiinta kooxdu in uu yahay sidii ay u keeni lahaayeen xiddiga Old Trafford.

United ayaa diyaar u ah in ay xiddiga reer Brazil ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan iyada oo waliba diyaar u ah in ay lacag iyo xiddiga Alexis Sanchez isku raaciso kooxda PSG.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here