Man United Oo Diiday Dalab Ay Arsenal Ka Gudbisay Xiddig Old Trafford Jooga

0

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal ka diiday dalab Rasmi ah oo ay ku doonaysay in ay heshiis amaah ah ugu qaadato xiddiga daafaca uga ciyaara ee Eric Bailly inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Gunners ayaa suuqa ka raadinaysa xoojin dhanka daafaca ah tan ilaa markii uu Rob Holding soo gaadhay dhaawaca wakhtiga dheer uu ku maqnaan doono.

Unai Emery ayaa xaqiijiyay in ay Arsenal kaliya xiddigaha kula soo wareegi karto amaah inta lagu jiro bishan Bailly ayayna u arkeen dookh u xoojin kara daafaca dhexe.

Billy oo ku biiray Man United sanadkii 2016 ayaa ku fashimay ilaa haatan in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man United isaga oo aan ku bilaaban shaxda Red Devils tan ilaa kulankii Bournemouth.

Si kasta ah ahaatee wargayska Daily Mial ayaa sheegaya in ay Man United diiday dalab amaah ah oo ay Arsenal ka soo gubisay xiddiga maadama ayna doonayn in ay xoojiso kooxaha ay ku tartamayaan kaalinta 4-aad.

Bailly ayaa noqon doona xiddig xor ah xgaaga 2020 laakiin United ayaa sugi doonta ilaa inta ay yeelan doonto tababre buuxa ka hor int ayna go,aan ka gaadhin mustaqbalka xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here