Man United Oo Dhirbaaxo Kala Kulantay & Nemanja Matic Oo Uu Dhaawac Soo Gaadhay, Imisa Ayuu Maqnaan Doonaa?

Kooxda Man United ayaa la kulantay dhirbaaxo kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo bil ah.

Xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic ayaa dhibaato aan la garanayn ku dareemayay tababarkii shalay taas oo keentay in uu seego kulanka Liverpool.

Nemanja Matic ayaa gabi ahaan seegay xiddigaha ka xalay hudheelka yimid ka hor inta uuna haatan seegin gabi ahaan xiddigaha la ciyaaraya Liverpool.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa todobaadka dambe mari doona baadhitaan dheeraad ah marka uu nasto si loo ogaado dhibaatada dhaawaca.

Si kasta ha ahaatee baadhitaankii hordhaca ahaa ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Serbia garoomada ka maqnaan doono muddo bil ah sida laga soo xigtay ESPN.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah tababare Ole Gunnar Solskjaer Maadama uu Matic muhiim ka yahay qorshihiisa tan ilaa markii uu shaqada ka badalay Jose Mourinho.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here