Man United Oo 5/1 Uga Soo Talaabsatay Cardiff City , Waa Guushii Ugu Weyneyd Ee Ay Xilli Ciyaareedkaan Gaaraan.

Kooxda Real Madrid ayaa si Raaxo leh ugu guulaystay koobka Club World cup-ka kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda reer Imaaraad ee Al Ain kulan ka tirsanaa finalka koobka kooxaha adduunka.

Los Blancos ayaa sidaas ugu guulaystay koobka kooxaha adduunka ama Club World cup-ka markii 3-aad oo xiriir ah kadib markii ay sanadkii hore ku guulaystay.

Kooxda Al Ain ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo khal-khal galiyay Real Madrid daqiiqadihii ugu horeeyay waliba gool ka dhalin gaadhay bilowgii ciyaarta.

Laaskiin Real Madrid ayaa ugu dambayn ku xasishay ciyaarta iyaga oo dajiyay baas-baasna la ciyaaray kooxda ka soo hor jeeda si ay ula qabsadaan ciyaarta.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 14-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga khadka dhexe Luka Modric kaas oo hogaanka u dhiibay Real Madrid.

Los Blancos ayaa dhawr fursadood oo kale u heshay si ay hogaanka ugu dheeraystaan laakiin waxa u suurgali wayday in ay gool u badalaan fursadahaas.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid ku hogaaminayso 1/0 dhanka kale kooxda Al Ain samaysay iska caabin cajiib ah.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo qaaday raadinayay in ay sii dheeraystaan hogaanka si ay isaga ilaaliyaan lama filaano.

Daqiiqadii 60-aad ayay Real Madrid mar kale heshay goolka 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga khaka dhexe ee Marcos Llorente kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Real Madrid ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday raadinta goolal kale si ay gabi ahaan u dilaan Rajada kooxda Al Ain ka qabto ku soo laabashada ciyaarta.

Daqiiqadii 79-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay markan kabtankooda Sergio Ramos kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Real ku hogaaminayso kulanka.

Kooxda Al Ain ayaa daqiiqadii 86-aad dhalisay gool sharafeedka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Shiotani kaas oo dhaliyay gool qurux badan oo madax ah ciyaartana ka dhigay 3/1.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 92-aad dhalisay goolkii 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Yahia Nader kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid markii 3-aad oo xiriir ah kor u qaaday koobka Club World cup-ka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here