Man United Oo 3/1 Uga Awood Sheegatay Arsenal , Xilli Sanchez-na Uu Booqday Shabaqa Kooxdiisii Hore

Arsenal iyo United ayaa nasiinada ku aaday 2/1 oo ay ku hogaamineysay kooxda United kuwaasi oo laba gool oo deg deg ah ku helay Arsenal ka dib kubado ay wiilasha waqooyiga London u qaateen in ay offside aheyd .

Guud ahaan Arsenal ayaa dhaq dhaqaaq wacneyd qeybtaas hore halka United ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah balse sidaas oo ay tahay ma jrrin halis gillin muuqata oo labada koox isku sameeyeen, waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 4-aad ee FA Cup-ka .

Rasmey ayaa si wacan u dhaq dhqaaqayay kulankaan balse kooxda Arsenal waxaa ka maqnaa dhameystir xilli guud ahaan kubadda ay ku badneyd cagtooda balse kooxda United waxa ay sugayeen fursad ay gool ku heleen maadaama uu ku jirray hammi.

Xilli xaalka sidaas yahay Arsenal-na baasas ku jirto ayaa waxaa lagu heley gool ka dib kubad uu Lukaku u baasay Sanshez ayuu laacibkaas hore Arsenal si cajiib ah ugu gooyay goolhayaha waxa ayna Arsenal ku doodeen in uu Offside ahaa waxaa uuuna goolkaas yimid daqiiqaddii 31-aad

Xilli weli dabaal degga ay ku jireen taageerayaasha United ayaa Arsenal lagu helay gool labaad isla xaalkii hore Offside in uu jiro ayay u qaateen waxaana goolkaas ka shaqeeyay Lukaku waxaase dhaliyay Lingard daqiiqaddii 33-aad .

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in ay tahay markii ugu horeeysay ee uu Lukaku laba gool ka shaqeynayo hal kullan gudahiisa dhamaan tartamada tan iyo bishii November ee sanadkii 2015-ka waxa uuna xilligaas uu joogay Everton iyadoo uu ku sameeyay kooxda Sunderland .

Arseal waxaa biloowgii qeybta hore dhaawac looga saaray Sokratis kaasi oo daqiiqaddii 23-aad waxaana la soo gilyay Mustafi .

Soo laabashadii , biloowgii waxa ay Arsenal isku dayaysay in ay durba keeneen goolka bar bar dhaca wax aayna kubadooda ka socotay geesaha balse United ayaa ahaa kuwo aan ogaleyn in kubadda ay gaarto aagga gooshooda .

Ka dib biloowgaas , ciyaartaas waxa ay aheyd mid u furan labada dhinac balse ma jrrin fursado ay abuureen labada koox , waxaana Arsenal daqiiqaddii 63-aad badal looga saaray Koscielny kaasi oo jug weyn gaartay ka dib xusul uu ku dhuftay Lukaku waxaana la arkayay afka uu kala furi weysanaa waxaana la soo giliyay Ozil
Dhamaadkii Arsenal cadaadis ayay saareen United balse ma helin meel ay kubadda marsiiyaan halka United ay ciyaarayeen daafac wacan balse guud ahaan gool waa la filan karay waqtiga geerida waxaana keentay United oo gool sedexaad heshay daqiiqadii 83-aad waxaana saxiixay Martial

Xilli Arsenal isku dayo kala duwan ay sameeyneysay dhamaadkii waxaa loogu dhameeyay 3/1 xili waqti dheeriga kulankaan lagu daray uu ahaa 9 daqiiqo .

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here